Aqoon isweydaarsi ku saabsan kaalinta haweenka ee qaybsashada kheyraadka oo la qabanaya

Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha, dhalinyarada iyo arrimaha jinsiyadda Prof. Margaret Kobia ayaa lagu wadaa inay shir guddoomiso kulan maanta la qabanaya.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaraya kaalinta haweenka iyo fursadaha ay u leeyihiin qaybsashada kheyraadka iyo dejinta miisaaniyadda.
Waxaa kulankan ka qayb galaya haweenka ka tirsan baarlamaanka ee qaabilsan arrimaha miisaaniyadda.
Sido kale waxaa qayb ka noqon doono haweenka madaxda ka ah waaxyaha gaarka ah iyo ururada bulshada.
Arrimaha la filayo in si qoto dheer loo eego waxaa ka mid ah maareynta lacagaha dadweynaha ,qoondeynta dhaqaalaha iyo sida geedisocodka miisaaniyadeed uu ku noqon karo mid ku saleysan daneynta baahiyaha jinsiyadeed.
Prof. Kobia, wasiiradda adeegga dadweynaha ayaa sheegtay inay rajeynayso in la cadeyn doono caqabadaha ay haweenka ka tirsan baarlamaanka la kulmaan marka miisaaniyadda dalka la diyaarinaya iyo taageerada ay u baahan yihiin si howshan loogu fududeeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here