Dhageyso:Arday deeq waxbarasho ka helay Dalka Turkiga oo Muqdisho Sagootin loogu Sameeyay

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxabarasho ka heshay dowladda Turkiga ayaa xaflad sagootin ah waxaa loogu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.
Ilaa 50 arday oo fursado waxbarasho ka helay dalka Turkiga ayaa Xafladaan loo Sameeyay waxaana helida visaha ardayda u fududaysay shirkada Go Turkey .
Munaasabadaan waxaa ku sugaan ardayda fursada heshay,Waalidiin,Masuuliyiin dowlada ka tirsan iyo Maamulka shirkada Go Turkey waxaana ardayda lagula dardaarmay inay si wanaagsan wax u soo bartaan ayna ka faa’iidaystaan fursada ay hada Haystaan.

Qaar ka mid ah ardayda fursadaan heshay ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay waxayna u mahadceliyeen shirkada u fududaysay helitaanka Visah ay dalka Turkiga Waxbarashada ugu aadayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here