Arday iyo macalin oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Congo

Ugu yaraan labo arday iyo macalin ayaa la dilay dhowr macalin oo kalena waa la afduubay wadanka Congo.
Ardayda weerarka lagu dilay iyo macalinka ayaa ku guda jiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga hoose .
Dablay aan heybtooda la garaneyn ayaa weerarkan fulisay.
Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa sheegay in labo arday ay dhinteen markii dagaal uu ka qarxay gobolka waqooyiga Kivu balse Faahfaahin dheeri ah kama bixin weerarkan .
Cosmas Kangakolo, oo ah maamule dhul ku yaal Masisi, ayaa sheegay in Dugsiga Hoose ee Ngoyi la soo weeraray Wuxuu sheegay in hal macallin uu dhintay dhowr kalena la afduubay.
Xarumaha imtixaanka lagu sameynayay ee aagga waxaa difaacaya ciidamada, ayuu yiri Kangakolo, sababao la xiriira dhibaatooyinka amniga awgood.
Ila iyo hadda macadda bartilmaameedka weerarkan inuu aha macalimiinta ama ardayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here