Arday ka bad baaday isburashadi shalay oo sheegeyn in u macalin ersanayay

Qaar ka mid ah ardaydi dhibaatadaas ka badbaaday ayaa sheegay in macalin uu ardayda eryanayay xiligii arrintaani dhacaysay isagoona u kala eryaay guryahooda markii casharkii fasalka uu dhamaaday taas oo galaaftay dhimashada 14 qof
Si kastaba ha noqotee, illaa iyo hadda wax faahfaahin rasmi ah lagama bixin sababta keentay isbuurashadi shalay galabkii taas oo dad badan fajac ku noqotay.
Dhanka kale waalidiin murugeysan ayaa saaka isugu tagi xaafiiska macalimiinta ee Kakamega iyo goobta meydadka la dhigo iyagoo raadinaya caruurtoodi si ay u aqoonsadaan isla waqtigaas waladiin kale oo walacsan ayaa tagay iskuulka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof George Magoha, Xoghayaha wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang iyo barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa tagay dugsiga si ay u qiimeeyaan xaalada.
Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Senatarka Kakamega Cleophas Malala, senatarkii hore ee Kakamega Dr Boni Khalwale iyo afhayeenka dowlada Cyrus Oguna.
Hoggaamiyayaashu aya kulan la yeesheen saraakiisha sare ee amniga ee ismaamulkaasi, mas’uuliyin ka socotay waxbarashada iyo maamulka iskuulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here