Arday uu kafaalo qaaday Bangiga KCB oo dugsiga sare ku biiray

Waxaa sannadkan dugsiyada sare ee dalka ku biiray 240 arday oo qarashaadka waxbarashada ay ka bixinayso hay’adda bangiga KCB u qaabilsan dhanka barnaamijyada bulshada ee KCB Foundation.
Hay’addan ayaa lacag dhan 78 milyan oo shilin u qoondeysay tageeriidda dhinaca tacliinta ee ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah ee buundooyin wanaagsan ka soo hooyay imtixaanaadkii fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da sannadkii 2019-kii.
Deeqdan waxbarasho ayaa kaafin doonto qarashaadka dugsiyada lagu dhigto ee loo yaqaano fees-ka ,labiska ardayda ay xirtaan iyo sido kale qalabka waxbarasho.
Dhaqaalahan ayaa ardayda caawin doono muddo afar sano ah laga billaabo sannadkan.
Sido kale bangiga ayaa ardayda ugu tala galay inay jiheyn iyo talasiin ka helaan sarkaal u qaabilsan xarumaha kala duwan ee deegaanada ku yaalla.
40 ka mid ah fursadaha deeqda KCB Foundation waxaa ay gaar u yihiin ardayda naafada ah.
Agaasimaha hay’adda KCB Foundation ,Jane Mwangi ayaa sheegtay inay doonayaan inay si weyn gacan kaga gaystaan geedisocodka ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay ugu gudbaan dugsiga sare.
Tan iyo markii sannadkii 2007-dii , hay’addan ay billlowday inay deeqo waxbarasho bixiso waxaa barnaamijyadeeda ka faaiiday 2,139 oo arday ah.
Qorashaha dowlada dhexe ayaa ah in ardayda ka soo gudbay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare ee dalka.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu shaaca ka qaaday in 100,000 oo ka mid ah ardaydii sannadkii hore u fariistay imtixaanka qaran ee shahaaddiga ee KCPE-da aynan weli ku biirin dugsiyada sare.
Muddo kordhin la sameeyay oo loo qabtay ardayda si ay isaga xaadiriyaan dugsiyada sare ee u soo baxay ayaa ku ekeyd jimcadii la soo dhaafay, 24-kii bishan jannaayo.
Sannadkii hore ee 2019-kii waxaa KCPE sameeyay arday dhan 1,083,456 .
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa iyadoo la kaashanaya saraakiisha tacliinta ee dowlad deegaanada , maamulayaasha iyo guddoomiye xaafadeedyada waxay wadaa qorsho lagu xaqiijinaya in dhammaan ardayda ay ku biiraan dugsiyadsa sare .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here