Ardayda fasallada 8-aad iyo 4–aad oo qiimeyn lagu sameyn doono

Ardayda dhigta fasallada 8-aad iyo 4-aad ee dugsiyada dib ugu laabtay billowgii isbuucan ayaa lagu waada in ay maraan qiimeyn taclineed.
Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in tani la doonayo in lagu ogaado saameynta uu COVID-19 ku yeeshay waxbarashadooda bilooyinkii ay dugsiyada xirnaayeen .
Qiimeynta oo ay qaadi doonaan saraakiisha Golaha Imtixaanada Qaranka ee (KNEC) ayaa looga gool leeyahay in lagu xaqiijiyo habdhaqanka ardayda kaddib dib u furka dugsiyada dalka iyo sida wax looga qaban karo waxyaabihii dhanka aqoonta ee ka lumay ardayda.
Sida ku cad bayaan ay soo saartay madaxa fulinta ee golaha KNEC Dr. Mercy Karogo qimeynta ayaa ku sabsanaan doonto casharradii uu qorshuhu ahaa inay ardayda qaataan ilaa bishii saddexaad ee sannadkan.
Macalliminta ayaa lagu booriyaay in ay ardayda u sheegaan in qiimeyntu aysan ahayn imtixaan.
Barayaasha ayaa sidoo kale laga doonaya inay xaqiijiyaan tirada ardayda ee dugsiyada ku laabtay oo ayna ogadaan halka ay jiraan ardayda maqan.
Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ayaa waxaa lagu qiimeyn doonaa dhammaan maadooyinka ay ku sameyn doonaan imtixaanka qaran ee KCPE halka kuwa dhigta fasalka 4-aad ee dugsiyada hoose dhexe lagu qiimeyn doono maadooyinka kala ah xisaabta ,ingiriiska, sawaaxiliga, culuunta arrimaha deegaanka, Sayniska iyo tiknolojiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here