Ardayda jaamacadda Nairobi oo dibadbax dhigay

Ardayda wax ka barata Jaamacada Nairobi ayaa fiidnimadii xalay sameeyay banaabaxyo ballaran oo ay uga soo horjeedaan dilka mid ka ka mid ah ardayda.
Ardayga la dilay ayaa magaciisu lagu sheegay Kytte Ondeng oo loo yaqaanay Ras.
Ardayda ayaa sheegay in ardayga laga afduubtay bannaanka hore ee jaamacadda iyadoona koox aan haybtooda la garan ay afduubteen 4-tii bishaan ka hor inta aan meydkiisa laga helin Isbitaalka Qaran ee Kenyatta.
Ilo kale oo ka tirsan ardayda jaamacada ayaa sheegay in Ondeng jirdil loo gaystay kaddibna meydkiisa la dhigay beerta Central park.
Ardayda wax ka barta Jaamacadda, oo dhalleeceeyay dilka loo geystey saaxiibkood, ayaa xusay in dhowr mar ay walaac ka muujiyeen ilaalada amniga ee jaamacadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here