Ardayda Kenyaanka ah ee ku xaniban magaalada Wuhan Shiinaha oo loo diray lacag malaayiin ah

Kenyaanka waxbarashada u jooga magaalada Wuhan oo ah magaaladii uu ka dilaacay caabuqa CoronaVirus ayaa loo diray lacag dhan 1.3 milyan oo shillinka dalka ah si ay noloshooda ugu maareeyaan.
Afhayeenka Dowladda dalka Cyrus Uguna ayaa sheegay in Dowladda Shiinahana ay ardayda ugu deeqday lacag dhan 500,000 oo kun si looga caawiyo inay helaan daryeel ku filan.
Dowladda Kenya ayaa xariir la samaysay ardayda ku sugan Wuhan waxaa ayna u xaqiijisay inay u sameyn doonto adeegyo caafimaad.
Cornel Uguna ayaa sheegay in dhamaan ardayda kenyaanka ah ay caafimaad qabaan balse ay ku adkeysanayaan inay dalkooda dib ugu soo laabtaan.
Afhayeenka Dowladda ayaa sheegay in taasi ay Qatar galin karto dalka hadii ay Kenyaanka dalkooda dib ugu soo laabtaan .
Waxaa uuna sheegay in baqdin laga qabo in cudurkaas uu soo gaaro dalka .
Si kastaba ahaate afhayeenka dowladda oo maanta shir jaraa’id ah qabtay ayaa ku nuxnuuxsaday inay u diyaar garoobeen sidii looga hor tagi lahaa in caabuqas uu soo gaaro dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here