Ardayda sameeyay imtixaanka KCPE oo maanta ogaanaya dugsiga sare ee ay ku biirayaan

Ardayda sannadkan u fariistay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe ee (KCPE) ayaa laga billaabo maanta ogaan doono dugsiga sare ee loo xushay inay ku biiraan.
Waxaa ugu horreeya kooxda heshay buundo dhan 400 iyo wax ka sarreeya oo ka mid noqonaya ardayda dhigata 136 dugsiyada heerka qaran ah ee loo yaqaano national .
Xulashada ardayda iyo dugsiyada kala duwan ee ay ku biirayaan ayaa lagu sameeyay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru kaddib markii natiijadii KCPE-da la shaaciyay 18-kii bishii hore ee sannadkan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa lagu wadaa inuu soo bandhigo magacyada ardayda wax ka baran doono dugsiyada qaran.
Prof. Magoha oo daqiiqado ka hor machadka horumarinta manhajka waxbarasho ee KICD ee magaaladatani Nairobi warbaahinta kula hadlay ayaa ku baaqay in dabagal lagu sameeyo ardayda imtixaanaadka sameeyay si cidii aan dugsiyada sare iska xaadirin loo ogaado.
Saraakiisha wasaaradda tacliinta ee ismaamullada kala duwan ayuu ku booriyay inay kaashadaan guddoomiye xaafadeedyada si dhammaan ardayda ay fursad ugu helaan inay waxbarashadooda sii wataan.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in gabdhaha uurka qaaday ay iyagana dugsiyada sare u gudbayaan balse fasax la siinayo si ay u soo umulaan.
Waalidiinta ayuu ugu baaqay inay gabdhahooda umulay ku booriyaan in waxbarashada ay sii wataan maadaama sannadkii hore arday badan oo gabdho ah ay saameyn ku timid .
Sido kale kuwa wax ka dhiganaya dugsiyada dowlad deegaannada ayaa la xulan doonaa inta u dhexeysa 3-da ilaa 5-ta bishan 12-aad ee Diseembar.
Prof. Magoha ayaa sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo in geedisocodkan uu noqdo mid caddaalad ah .
Arday dhan 1,083,456 oo sannadkan 2019-ka sameeyay imtixaanka KCPE-da ayaa rajeynaya inay fursado ka helaan 10,000 oo ah dugsiyo sare.
543,582 oo u dhiganta boqolkiiba 50.17 ee tiradan ayaa wiilal ah halka 539,874 ay gabdho yihiin.
Sannadkii hore qiyaastii 30,000 oo arday ah ayaa ku biiray 103 dugsiyo heer qaran.
Wasaaradda tacliinta ayaa sido kale sheegtay in guud ahaan wadanka ay ku yaallaan 35 oo ah dugsiyada loogu talagalay ardayda qabo baahiyaha gaarka ah waxaana ku biiri karo 1,500 oo arday ah.
Ardayda sannadkan helay buundo dhan 400 iyo wax ka sarreeya ayay tiradoodu tahay 9,770 halka sannadkii hore ee 2018-kii ay ahayd 11,559 waxayna tani muujinaysa hoos u dhac.
Hasa ahaate waxaa sare u kacay tirada ardayda ee soo hooyay buundada 301 ilaa 399 oo gaartay 243,320 halka sannad ka hor ay ahayd 223,862.
2019-ka waxaa imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe ee KCPE u fariistay 2,407 oo ah ardayda naafada ah oo midkii ugu horreeyay uu helay 414 .
Kooxda qaabilsan xulashada ardayda ku biiraya dugsiyada ismaamullada waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera ayaa ku sugnaan doono dugsiga sare ee gabdhaha ee NEP Girls ee magaalada Garissa.
Prof. Magoha, wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in si buuxda loo dhaqangeliyo qorshaha ardayda dhameeyay dugsiga hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ugu gudbayaan dugsiyada sare ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here