Ardayda sameeynaya imtixaanka KCPE oo loo ballanqaaday inay dugsiyada sare ku biirayaan

Iyadoo maalinkii labaad guud ahaan wadanka uu ka socdo imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe ee KCPE-da ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka Dr. William Ruto sheegay in dhammaan ardayda ay ku biirayaan dugsiyada sare.
Waxaa uu sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu ka dhabeynayo qorshaha ah in ardayda dhameeya tacliinta dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare.
Ilaa 1.08 milyan oo arday ah ayaa sannadkan sameeynaya imtixaanka shahaaddiga ee KCPE-da.
William Ruto ayaa maamulka dugsiga hoose dhexe ee Ngong ku ammaanay inay qaabileen ardaydii laga soo wareejiyay dugsigii fasal ka mid ah uu dumay ee Precious Top Talent School.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelinayay mas’uuliyiin uu ka mid yahay xoghayaha wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang oo xaqiijiyay in ilaa iyo hadda aan la soo tabin fal wax isdaba marin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here