Ardayda Wuhan oo dugsiyada ku laabtay

Carruurta dhigata dugsiyada ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa dib u billowday howlahooda waxbarasho.
Dabayaaqadii sannadkii hore ayuu fayraska corona ka dillaacay magaalada Wuhan.
Waxaa xigay bilooyin ay shacabka halkaas ku nool ku jireen xayiraado dhanka isku socodka ah oo si weyn loogu xakameeyay faafidda cudurka COVID19.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa ku warramaysa in 1.4 milyan oo arday ah ay dib ugu laabteen 2,842 dugsi oo ku yaalla Wuhan.
Dhanka kale maamullada caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa sheegay in boqolkiiba 10 dadka ay tiro ahaan qaadi karaan goobaha cibaadada loo ogolyahay inay ka qayb galaan munaasabadaha kala duwan.
Bishii Lixaad ayay ahayd markii la soo saaray amar dhigaya in dad ka badan 10 qof aynan halkaa isugu tagi karin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka dowladda Filibiin Harry Roque .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here