Ardaydii ugu horreeyay imtixaanka KCPE oo ku biiraya dugsiyada Alliance iyo Pangani

Waxaa maanta shaaca laga qaaday dugsiyada qaran ee ay ku biirayaan ardaydii sannadkan kaalimaha hore ka galay natiijadii imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE.
Andy Munyiri oo ahaa ardaygii ugu horreeyay dalka ee helay buundo dhan 440 ayaa loo xushay inuu ka mid noqdo ardayda dugsiga sare ee Alliance High School ee ismaamulka Kiambu.
Dhanka gabdhaha waxaa natiijadii KCPE-da ee sannadkan ku hoggaaminayay June Jeptoo iyo Onyango Flavian oo labaduba helay 439 waxayna ku kala biirayaan dugsiyada gabdhaha ee Pangani Girls iyo Alliance Girls .
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta xilli uu ku sugna machadka KICD ee magaaladatani Nairobi sheegay in 1,075,201 oo ka mid ah 1,083,456 ardaydii u fariistay imtixaanaadka loo xushay inay ku biiraan dugsiyada sare ee wadanka.
Waxaa jiro arday tiro ahaan gaaraya 8,255 oo ay ka mid yihiin kuwo qaxooti ah iyo sido kale maxaabiis oo aan weli fursad helin.
Hasa ahaate Magoha ayaa sheegay inuu wada tashi la sameeyn doono madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta si looga dhabeeyo qorshaha dowladda ee ah in boqolkiiba boqol ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay u sii gudbaan dugsiyada sare.
Arday dhan 33,009 ayaa sannadkan loo xushay inay ku biiraan dugsiyada heer qaran ah ee loo yaqaano National Schools ,184,816 waxay ka dhigan doonaan dugsiyada ugu horreeya ismaamullada ee ku soo xiga kuwa qaran ee extra county , 188,454 oo wax ka baran doono dugsiyada ismaamullada halka 669,145 la qorsheeyay inay galaan xarumaha waxbarasho ee deegaannada.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in 777 arday ah ay fursado ka heleen dugsiyada loogu tala galay ardayda qabo baahiyaha gaarka ah .
Magoha ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay inay jiraan arday marka ay foomamka buuxinayaan qortay oo keliya laba dugsi iyagoo laga doonayay inay 11 dugsiyo ah doortaan.
Wasiirka ayaa carrabka ku dhuftay in ardayga haddii uunan gudbin tiradii dugsiyada ee looga baahnaa inuu doorto , dowladda ay meeshii markaasi fursad laga siin karo gaynayso.
Prof. Magoha ayaa ku baaqay in dabagal lagu sameeyo ardayda imtixaanaadka sameeyay si cidii aan dugsiyada sare iska xaadirin loo ogaado.
Saraakiisha wasaaradda tacliinta ee ismaamullada kala duwan ayuu ku booriyay inay kaashadaan guddoomiye xaafadeedyada si dhammaan ardayda ay fursad ugu helaan inay waxbarashadooda sii wataan.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in gabdhaha uurka qaaday ay iyagana dugsiyada sare u gudbayaan balse fasax la siinayo si ay u soo umulaan.
Waalidiinta ayuu ugu baaqay inay gabdhahooda umulay ku booriyaan in waxbarashada ay sii wataan maadaama sannadkii hore arday badan oo gabdho ah ay saameyn ku timid .
Sido kale kuwa wax ka dhiganaya dugsiyada dowlad deegaannada ayaa la xulan doonaa inta u dhexeysa 3-da ilaa 5-ta bishan 12-aad ee Diseembar.
Prof. Magoha ayaa sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo in geedisocodkan uu noqdo mid caddaalad ah .
Arday dhan 1,083,456 oo sannadkan 2019-ka sameeyay imtixaanka KCPE-da ayaa rajeynaya inay fursado ka helaan 10,000 oo ah dugsiyo sare.
543,582 oo u dhiganta boqolkiiba 50.17 ee tiradan ayaa wiilal ah halka 539,874 ay gabdho yihiin.
Sannadkii hore qiyaastii 30,000 oo arday ah ayaa ku biiray 103 dugsiyo heer qaran.
Wasaaradda tacliinta ayaa sido kale sheegtay in guud ahaan wadanka ay ku yaallaan 35 oo ah dugsiyada loogu talagalay ardayda qabo baahiyaha gaarka ah waxaana ku biiri karo 1,500 oo arday ah.
Ardayda sannadkan helay buundo dhan 400 iyo wax ka sarreeya ayay tiradoodu tahay 9,770 halka sannadkii hore ee 2018-kii ay ahayd 11,559 waxayna tani muujinaysa hoos u dhac.
Hasa ahaate waxaa sare u kacay tirada ardayda ee soo hooyay buundada 301 ilaa 399 oo gaartay 243,320 halka sannad ka hor ay ahayd 223,862.
2019-ka waxaa imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe ee KCPE u fariistay 2,407 oo ah ardayda naafada ah oo midkii ugu horreeyay uu helay 414 .
Kooxda qaabilsan xulashada ardayda ku biiraya dugsiyada ismaamullada waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera ayaa ku sugnaan doono dugsiga sare ee gabdhaha ee NEP Girls ee magaalada Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here