Armenia iyo Azerbaija oo wali dagaalkooda sii socda

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Azerbaijan ayaa ku eedeysay Armenia inay duqeymo ka fulisay magaalada Tartar .
Dqeyntan lagu eedeeyay Armenia ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo aan la ogeyn inuu shacab ahaa iyo in kale iyadoobna ay ku dhaawacmeen 6 qof .
Dhica kale Azerbaijan ayaa sheegtay inay burburisay xarumo ku yaalla dalka Armenia oo laga soo rido gantaallo lagu weeraro goobaha dadweynaha ee dalka Azerbaijan.
Wasaaradda Gaashaandhigga Armenia ayaa qiratay in xarumo ku yaalla gudaha dalkaas la beegsaday, balse waxay beenisay in ciidamadeeda ay weerarayeen Azerbaijan, ayada oo sheegtay inay cadayn u haysato inay beegsato goobaha militari ee gudaha dalka Azerbaijan.
Waxay u muuqataa in tani ay tahay markii ugu horreysay ee Azerbaijan ay duqeyso gudaha dalka Armenia tan iyo markii dagaalka culus uu 27-kii September ka dhex-qarxay ciidamada Azerbaijan iyo gooni u goosatay gobolka Nogorno-Karabakh ee Armenia ay taageerto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here