Askar lagu eedeeyay dilka nin madow ah oo shaqada laga eryey

George Floyd iyo saraakiishii dishay

Duqa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka Jacob Frey ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan booliiska magaaladiisa.
Afarta sarkaal ayaa loo haystaa dhimashada nin ka soo jeeda bulshada madow ee Maraykanka.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray George Floyd wuxuuna ku jiray da’da 40-ka.
Muuqaal la lagu baahiyay baraha bulshada ay ku wada xiriirto ayaa la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo George Floyd, halka Floyd uu dhahayay” Ma neefsan karo”,
Sarkaalka booliska ayaa dhowr daqiiqo jilibkiisa ku haayay wuxuuna Floyd codsaday in la siiyo biyo.
“Caloosha ayaa i xanuunaysa. Qoorta aad ii xanuujisay. Fadlan, maqufici karo ayuu floyd ku dhawaaqayay,
Kaddib waxaa loo qaaday xarun caafimaad oo u dhaw aagaasi waxyar kadib waa uu geeriyooday.
Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka dibadbaxyo looga soo horjeedana ay dhaceen.
Laanta dambi baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay inay baarayso kiiskan oo fiidnimadii Isniinta ahayd ka dhacay Minneapolis.
Madaxa booliska magaalada Minneapolis Medaria Arradondo, ayaa sheegay in afarta askari ay hadda yihiin shaqaale hore.
Waaxda badbaadada Shacabka ee Minnesota ee magaceeda loo soo gaabiyo BCA ayaa sheegtay in ay baarayaan waxaa sababay arrintan.
Galabnimadii Talaadada ahayd Duqa magaalada Jacob Frey, ayaa xaqiijiyay in shaqada laga tiray afartii askari ee ku lug lahaa kiiskan.
Dhanka kale Duqa magaalada Minneapolis ayaa bartiis Tuwitarka ku soo qoray “Taas ayaa tillaabada saxda ah”
“Waan aaminsanahay waxa aan arkay waana khalad weyn. Haddii aad tahay qof madow oo u dhashay Maraykanka micnaheeda maahan xukun dil ah.” Ayuu ku daray qoraalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here