Askari ku eedaysnaa Kufsi oo la Xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaay xukun ku riday Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, oo lagu helay fal kusi ah.
War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa lagu sheegay in Dable xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii Bishii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Booliiska Soomaaliyeed ee CID.
Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo diiwaan geliyay qiraalkii ka dhashay horgeyntiisa Maxkamadeed.
Maxamed Xuseen Cilmi ayaay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii September.
Intii ay socotay Maxkamadeynta eedaysanaha ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gartay.
Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed sida qoraalka Maxkamada lagu sheegaya ayaa markale ku jawaabay inuu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay inuu kufsado gabar aad u yar oo caruur ah sidoo kalena ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.
Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay inay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.
Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay kula macaamilaan ehelka dhibanaha.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.
Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here