Askari nin hubeysan ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa lagu soo waramaya in uu dilay nin ku hubeysan bastoolad uu sheegay in uu qorsheenayay in uu dilo xilli u ku jiray Maqaayad ku taalla Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.
Ninka la dilay ayaa waxaa la socday labo ruux oo kale oo la sheegay in ay hubeysanaayeen.
Labadda ruux ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.
Booliska ayaa la sheegay in ay hadda ku daba jiraan raggii la socday ninka la dilay, islamarkaana ay howlgallo ka waddaan Xaafaddaha kala duwan ee Karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here