Askari nin u dilay 50 shillin oo damiin lacageed lagu sii daayay

Sarkaal ka tirsana ciidamada booliska qeybtooda qaabilsan maamulka ee AP-da oo lagu soo eedeeyay inuu toogasho ku dilay nin ka mid ah wadayaasha mootada ama dhugdhugleyda ee magaalada Nairob 19-kii bishii Febraayo ee sannadkaan ayaa ayaa lagu sii daayay lacag damaanad ah oo dhan hal milyan oo shillinka dalka ah.
Garsooraha Sare ee maxkamada Makadara Heston Nyaga ayaa shalay sii daayay Mr Zadock Ochuka Oyieka iyadoona Maxkamaddu ku amartay sarkaalka inuusan soo faragalin marqaatiyaasha iyo baaritaanka.
Waxa uu sidoo kale Garsooraha Mr Oyieka amar ku siiyay inuusan tagin goobta uu dhibaatada ka geystay ee isbitaalka Mama Lucy iyo inuusan la xiriirin markhaatiyaal.
Agaasinka dambi Baarista ee DCI-da qeybteyda Kayole ayaa doonayay in la dheereeyo haynta dambiilaha balse qareenka Mr Oyieka, Nick Cumaari ayaa ka soo horjeestay arrintaasi.
Tuhmanaha ayaa lagu amray inuu u xaadiro xafiiska dambi barista qeybteyda Kayole Talaado walba ilaa iyo 16-ka Maarso ee sannadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here