Askari nin u dilay 50 shillin

Askari ka tirsan ciidamada booliska qeybtooda qaabilsan maamulka ee AP-da ayaa dil u geystay nin ka mid ah wadayaasha mootada ama dhugdhugleyda ee magaalada Nairobi.
Askarigan ayaa magaciisu lagu sheegay Daniel Mburu Wangari.
Darawalka la dilay ayaa ilmo yar oo ku haftay wabi iyo hooyadi dhashay canuga u soo qaaday isbitaalka Mama lucy ee magaalada Nairobi si loogu dabiibo.
Balse markuu isbitaalka yimid ayaa loo diiday in uu mootada la galo waxaana askariga oo ilaalo ka ahaa isbitaalka uu ka codsadsay in uu siiyo 50 shilin si uu mootada ula galo isbitaalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ninka mootada waday uu sheegay in uusan jeebka lacag ku hayn balse muran dhex maray isaga iyo askariga uu sababy in askarigii uu xabad beerka kaga dhuftay .
Agnes Waheti oo ah hooyada dhashay wiilka isbitaalka la geeyay ayaa sheegtay in iyada oo Isbitaalka ku jirta ay daaqadda ka aragtay ninkii wiilkeeda caawiyey oo ay ku dheggan yihiin ilaalada Isbitaalka.
“Waxaan u soo baxay bannaanka, si aan u ogaado waxa dhacay, waxaana la kulmay ninkii oo xabbad wadnaha lagaga dhuftay, kadibna waxaa la geeyay isbitaalkii aan joognay, halkaas ayuuna ku naf baxay,” ayay raacisay.
Askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday halka dadkii ka ag dhowaa goobtaasi ay bannaan bax sameeyeen iyagoona codsanaaya in la soo qabta askariga
Meydka wadihii mootada ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here