Australia oo beenisay inay tarxiilayso aqoonyahan u dhashay iiraan

Dowladda Australia ayaa sheegtay inaynan dalkeeda ka tarxiili doonin aqoonyahan u dhashay iiraan oo la sheegay in loo gacan gelinayo Maraykanka.
Xeer ilaaliyaha guud ee Australia Christian Porter ayaa arrinkan shaaca ka qaaday .
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo 13 bilood uu xabsi ku jiray cilmi bare Reza Dehbashi Kivi,.
Waxyaabaha ninkan loo haysto waxaa ka mid ah in qalab milatari oo lagu sameeyay gudaha Maraykanka uu u dhoofiyay iiraan.
Bayaan uu Porter soo saaray ayuu ku xusay inuu go’aankan qaatay isagoo ku saleynaya geedisocodka xeerarka Australia iyo waxyaabaha sharci ahaan la doonayo in la raaco.
Dowladda Maraykanka ayaa horay u dalbatay in Australia ay soo tarxiisho Reza oo lagu soo oogay ilaa 6 dacwadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here