Australia oo heshay cadeymo muujinaya in dambiyo dagaal laga galay Afghanistan

Dawladda Australia ayaa Khamisti sheegtay in ciidamdeeda gaarka ah looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilal sharci darro ah oo lagu dilay 39 qof gudaha dalka Afghanistan.
Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin aad loo sugayay oo ku saabsanayd dambiyo dagaal oo lagu galay wadanka Koonfurta Aasiya.
Australia ayaa su’aalo ku saabsan dhacdadani bilowday sannadkii 2016-kii ka dib markii warbaahinta maxaliga iyo dad kale ay soo sheegeen dilalka rag aan hubesneyn iyo caruur.
Jenaraal Angus Campbell, madaxa ciidamada difaaca ayaa warbixinta ku sheegay in ciidmada gaarka ah ee Australia ay laayeen maxaabiis,beeraley iyo dad kale oo shacab ah waxuuna cafis wey disatay shacabka reer Afghanistan.
Mr. Campbell ayaa xusay in warbixinta ay tahay mid lagu kalsoonaan karoo o muujinaysa in dilka 39-ka qof ay ka danbeeyeen 25 ka mid ah ciidamada gaarka ah ee circa ee Australia.
Qaar ka mid ah saraakiisha lagu eedeeyay dilalka ayaa hadda ka mid ah ciidamada halka kuwa qaar ay iskaga baxeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here