Australia oo ka hadashay dooni ay bishii hore qabatay

Ciidamada milatariga ee dalka Australia ayaa sheegay inay bishii hore qabteen dooni laga leeyahay wadanka Sri Lanka oo sidday 13 ruux oo magan galyo doon ah.
Arrimahan ayaa waxaa shaaca ka qaaaday wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi , Peter Dutton.
Mr. Dutton ayaa xusay in doontaasi ay ahayd midii 13-aad oo laga leeyahay Sri Lanka oo muddo 18 bilood gudahood ah la qabto iyagoo shakhsiyaad u musaafurinaya Australia.
Waxaa uu intaasi ku daray in halista dhanka socdaalka sharci darrada ah weli dhab tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here