Australia oo ku talinaysa in wax ka badan laba qof aynan hal meel isugu tagin

Ra’iisul wasaaraha dalka Australia ,Scott Morrison ayaa sheegay inaan loo baahneyn in dad tiro ahaan laba qof ka badan ay hal meel ah isugu yimaadaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadweynaha laga doonayo inay bannaanka aadaan oo keliya marka ay dani muhiim ah soo gudanayaan.
Dadka ay da’dooda tahay 70 sano iyo wixii ka sarreeya ayaa lagu booriyay inay si iskood ah isku karantiilaan.
Mr. Morrison ayaa yidhi waa Khasab in guriyaha la joogo.
Sido kale ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inaan muddo 6 bilood ah guriyaha la ajaartay aan laga saari Karin dadka dhaqaale yarida wajahaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here