Australia oo qaadeysa xayiraadaha xuduuda si muwaadininteeda ay dalka dib ugu soo labtaan

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison, ayaa sheegay in dowladiisa ay badin doonto tirada muwaadiniinteeda ee loo ogolyahay inay dalka ku soo laabtaan.
Waxaa uu sheegay in tirada muwaadiniinta ee dalka ku soo laabanaayo laga dhigi doono ilaa 6,000 oo qof.
Hadalkan ayuu sheegay kadib kulankii golaha wasiirada ee maanta, isagoona intaa ku daray in la kordhin doono goobaha dadka lagu karantiilo.
Dowladda Australia ayaa dooneysa in isbuuciba tirada dadka ee dalka dib ugu soo laabaneyso ay noqto 2,000.
Mr Morrison ayaa xusay in qiyaastii 24,000 oo muwaadiniinta dalkaasi ah ay doonayaan inay soo labtaan iyadoo dowladda dalkaasi ay balanqaaday in ka hor ciida masiixiga dib loo soo celin doono.
Waxay sidoo kale dowlaada Australia dooneysaa in muwaadiniinteeda ka soo laabtay dalka Newziland loo dibciyo goobaha karantiilka ay ku jiraan.
Australia ayaa joojisay safarada dibadda tan iyo bilooga cudurka Covid-19 iyodoona soo saartay in shacabka ay ku dadalaan kala fogaanta si looga hortago faafitaanka cudurkan safmarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here