Australia oo shacabkeeda kala baxaysa Shiinaha

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Australia Marise Payne ayaa sheegay in 243 qof oo isugu jiro muwaadiniin iyo dad haysta degganaanshaha wadankaas laga soo daadgureeyay magaalada Wuhan ee gobolka Hubei.
Dadkan iyaga ah ayaa la geeyay jasiirad ay Australia horay ku hayn jirtay shakhsiyaadka magan galya doonka ah.
Halkaas ayaa lagu hayn doonaa ilaa iyo inta xaaladooda caafimaad laga hubinayo.
Dowladda Australia ayaa sheegtay inay mudnaanta koowaad siinayso shacabkeeda dhibaatooyinka u nugul iyadoo diyaaradda lagu soo qaaday 89 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here