Australia oo taageero dhaqaale u ballanqaaday Lubnaan

Dowladda dalka Australia ayaa ballanqaaday inay Lubnaan ku caawinayso lacag dhan 1.4 milyan oo doolar.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha dalkaas Scott Morrison.
Mr. Morrison ayaa carrabka ku adkeeyay in gargaarkan uu yahay mid hor dhac ah oo ayna ka baaran degayaan inay Lubnaan siiyaan deeq dheeraad ah.
Ra’iisul wasaaraha Australia ayaa sheegay in deeqdan lagu wareejin doono hay’adda cunnada adduunka ee WFP iyo hay’adda laanqeerta cas.
Waxaa loo adeegsanayaa gargaarka dhanka cunnada, daawooyinka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Lubnaan looga dhawaaqay xaalad degdeg ah kaddib qaraxii gilgilay ee ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof halka 4000 oo kalena ay ku dhaawacmeen waxaana dhacdadaas hooy la’aan ku noqday ilaa 300,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here