Australia oo xaalad degdeg ah ku dhawaaqday

Ra’iisul wasaaraha Australia, Scott Morrison ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Waxaa uu ku taliyay in dhammaan shacabka aynan dalka dibadiisa safar ugu ambabixin.
Dhibaatada la xiriirta caabuqa Coronavirus ayuu xusay inay suurtagal tahay inay sii jirto muddo lix bilood ah.
Xaaladda degdegga ayaa dowladda awood rasmi ah ku siinaysa inay soo saarto bandow sido kalena dadka laga shakiyo la karantiilo.
Australia ayaa laga soo tabiyay in ka badan 500 oo ah kiisaska coronavirus halka dhimashada ka dhalatay cudurka uu firuusigan sababo ee loo yaqaano COVID-19 ilaa iyo hadda ay gaartay 6.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here