Australia oo xuduudda xiraysa coronavirus awgii

Maamullada dalka Australia ayaa lagu soo warramayaa inay xirayaan xadka ay wadagaan labada gobol ee ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee wadankaas ee Victoria iyo New South Wales.
Amarkan ayaa dhaqan galaya berri oo Talaado ah.
Go’aankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee la qaato ugu yaraan muddo 100 sano ah.
Markii ugu dambeysay ee soodhinta labada gobol la xiro waxay ahayd 1919 xilligaas oo uu jiray hergabkii la magac baxay Spanish flu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here