Austria oo soo saartay xayiraado dheeraad oo la xiriira Coronavirus

Dowladda Austria ayaa soo saartay xayiraado dheeraad oo lagu xakameynaya isku socodka bulshada iyo isku imaatinnada waaweyn.
Waxaa la mamnuucay inay hal meel isugu tagaan dad ka badan 5 qof.
Amarradan ayaa dhaqangalaya berri oo isniin ah.
Sido kale maqaayadaha ayaa la xirayaa laga billaano Talaadada
Dadweynaha ayaa lagu booriyay inay guriyaha ka soo baxaan oo keliya marka ay aadayaan shaqo aan xilligeeda dib loo sii dhigi Karin.
Waxaan Austria laga soo geli Karin dhanka Britain, Netherlands, Russia iyo Ukraine.
Austria ayaa sido kale xirtay xuduudda ay la leedahay wadamada Switzerland iyo Talyaaniga.
Laga billaabo berri waxaa albaabada la isugu dhufanayaan dugsiyada Austria iyo dukaamada waxaa aan ka ahayn xarumaha lagu iibiyo cunnooyinka iyo daawooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here