Axmed Madoobe oo balan qaada u sameeyay dadka DHoobleey

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islam oo weli ku sugan Magaalada Dhoobleey ayaa wuxuu halkaasi ka wadaa kulamo uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaasi Ku Nool.
Axmed Madoobe ayaa shalay la kulmey qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee degmada Dhoobleey,isagoo ugu baaqay inay midoobey,sidoo kalena uu balan qaadey in mashaariic kala duwan laga fulin doono Magaaladaas.
Xili uu la hadlayay Odayaasha Dhaqanka degmada Dhoobleey ayuu sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono Garoonka Diyaaradaha Dhoobleey iyo Goobaha waxbarashada Magaaladaas,hayeeshee dadka looga baahan yahay inay u midoobaan danahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here