Ayax fara badan oo lagu arkay deegaanada Puntland

Madaxweyne kuxigeenka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in amniga guud ee degaannada Maamulka puntland uu yahay mid aad u wanaagsan, hayeeshee Ayax farabadan uu dhibaato ku haayo degaano ka tirsan Maamulkaas.
Waxaa uu sheegay in Ayaxa uu dhibaato farabadna u geystay Dalagyo farabadan iyo dhul daaqsimeed ku yaallo Gobolada Puntland, isla markaana Wasaaradda Beeraah puntland ay bilaawday sidii loola dagaalami lahaa Ayaxaasi.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan waxaa uu u mahad celiyay Wasaaradda Beeraaha & Waraabka Dowladda Fedralka Soomaaliya & Hay’adda FOA oo uu sheegay inay dadaal farabadna ku bixiyeen sidii ayaxa loola dagaalami lahaa.
Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartmaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay dhibaato ku hayay Ayax farabadan oo ku habsaday Beero ay ku tacbanaayeen dalagyo farabadan iyo dhul daaqsimeed ay daganaayeen dad reer Guuraa ah, waxaana jira Maamulada qaar oo degaannadooda ka bilaabay inay buufiyaan Ayaxa si looga hortago Saamayntiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here