Ayax farabadan oo ku habsaday deegaanada Puntland

Deegaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ku habsaday ayax farabadan ,kaas oo dhibaatooyin u geystay dhul daaqsimeed ku yaalla degaannada Maamulkaasi.
Meelaha uu ayaxa saameeyay ayaa waxaa ka mid ah dhul daaqsimeed ku yaalla gobolada Nugaal iyo Bari, waxaana sido kale jiraa beero dalagyo ay ka baxayeen oo uu baabi’iyay.
Qaar kamid ah dadka ku nool degaannada uu Ayaxa ku habsaday ayaa qeylo-dhaan waxaa ay u direen Madaxda Puntland, iyaga oo ka dalbaday in wax lag qabto maadaama uu ku haayo dhibaatooyin kala duwan.
Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay ku jirtay dagaal xoogan oo ka dhan ah Ayaxa, iyada oo caawin ka heleysay Hay’adda FAO,iyaga oo adeegsanaya qalab iyo dad loo tababaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here