Ayax ku degay Banisa

Barasaabka ismaamulka Mandera , Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka waxaa uu ku sheegay in Ayax uu ku degay Burashum oo ka tirsan deegaanka Banisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cayayaanka lagu arkay dhul dheerarkiisu yahay ilaa 30 kiilomitir uuna gaarsiisan yahay galbeedka Mandera.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in koox matalaysa dolwadda ismaamulka ay falcelin sameynayaan.
Hasa ahaate Roba ayaa xusay in caawimaad dheerad ah la doonayo si looga hor tago inuu sii faafo sidaas awgeedna ay taageero weydiisanayaan wasaaradda arrintan ay si gaar ah u khuseyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here