Ayax ku habsaday deegaano ka tirsan shabeelada dhexe

Wararka ka imaanaya tuulooyinka hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ayax farabadan Maanta lagu arkay degaano hoostaga degmadaas, isla markaana uu ku habsaday Beero ku yaalla aagaas.
Beeraleyda degmada Balcad ayaa waxay warbahinta u sheegeen in Ayaxa oo si raxan raxan ah u socda uu Beeraha ku habsaday, isla markaana uu baabi’iyay dalagyo ku yaalla beeraha tuulooyin hoostaga degmada Balcad.
Beeraleeyda ayaa sheegay in Ayaxa oo degmada Balcad uga yimid dhinaca Gobolada Dhexe oo dhibaato weynku haayo beeraleyda, isla markaana uu baabi’iyay dhowr Hektar uu ku yaalla Tuulooyinka, Mareyreey, Mukadheere, Dhagxoow iyo tuulooyin kale oo dhamaantood gobolka shabeelada dhexe ka tirsan.
Sidoo kale Waxay sheegeen dadka beeralayda ah inaysan xilligaan u muuqan waxa dadaal ah oo looga hortagayo Saamaynta Ayaxa, ayagoo ugu baaqay Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle,kan gobolka shabeelada dhexe & Maamulka degmada Balcad inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan, isla markaana waxka qabtaan Ayaxa faraha badan ee gabi ahaanba baabi’iyay dalagyadii ay beerteen iyo dhulkii daaqsinta ahaa ee aagaas ku yaalay.
Maalmihii la soo dhaafay ayuu Ayaxa fara badan dhibaato weyn ku haayay Beeraleyda ku nool degmooyinka, Mahadaay, Ceelbaraf, Aadan Yabaal & degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here