Ayax saameyn ku yeeshay Guriceel

Iyadoo ilaa bilaawgii bishaan deegaano koofurta degmada Guriceel dhaco lagu arkay Ayax ku habsaday dhul daaqa xoolaha, ayaa maalmahaan waxaa sii kordhayey Ayax aad u fara badan oo inta badan qabsaday dhul ballaaran oo u dhaxeeya Guriceel iyo deegaanada koonfur ka xiga ilaa 30km
Tiro yar oo beero laga sameeyey duleedka Guriceel ayuu sidoo kale ku degay, waxaase shalay oo Jimca ahayd ay beeraleeydu ka faa’iideeysteen fasaxa carruurta iyo dadka ka nasanayey goobaha waxbarashada kuwaas oo ka caawiyey sidii ay isaga gudbin lahaayeen Ayaxaasi faraha badan, sida uu idaacadda Star Fm u sheegay Cali Xaashi Xiireey oo ka mid ah dadka beera ka sameeystay Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here