Ayaxa oo saameyn ku yeeshay  Samburu

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka  Samburu ayaa sheegay in halkaas uu saameyn ba’an ku yeeshay Ayaxa  horay loogu arkay qeybo ka mid ah wadanka.

Waxay wararku intaas ku darayana in cayayaankan uu sii dhalay  ii tiradiisa ay  noqotay ku dhawaad boqol mar  intii horay la soo tabiyay.

Sarkaalka dowlad deegaanka  Samburu  u qaabilsan barnaamijyada gaarka ah  ,Daniel Lesaigor ayaa sheegay in Ayax hor leh uu  uga  soo gudbayo dhanka  ismaamullada dariska la ah ee Isiolo iyo   Laikipia .

Mr Lesaigor ayaa warbaahinta u sheegay inay  ogaadeen in Ayaxa uu ku sii tarmaya  ugu yaraan 43 meelood  oo ka mid ah Waso, West Gate  iyo Nkoriche oo ka tirsan  deeganaka waqooyiga    Samburu

Ayaxa ilaa iyo hadda saameeyay  17 ka mid ah ismaamullada dalka waxaana ka mid ah   Mandera, Wajeer, Samburu, Isiolo, Garissa, Baringo, Turkana, Laikipia, Meru, Kitui, Embu, Machakos, Murang’a, Makueni  iyo   Kajiado .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here