Azerbaijan oo Armenia ku eedeysay inay dishay 21 qof

Waxaa weli socdo dagaalka u dhexeya wadamada Azerbaijan iyo Armenia oo ku muransan gobolka Nagorno-Karabakh.
Dowladda Azerbaijan ayaa Armenia ku eedeysay inay ka dambeysay fal lagu dilay 21 qof sidoo kalena lagu dhaawacay tiro dheeraad ah.
Weerarkan oo gantaal loo adeegsaday ayaa laga gaystay meel u dhow gobolka ay dalalkan isku hayaan.
Hasa ahaate Armenia ayaa iska fogeysay eedeynta loo jeediyay.
Falkan ayaa ah midkii labaad labo cisho gudahood oo ay dowladda Azerbaijan sheegayso inay ku nafwaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa degmada Barda .
Dagaalka u dhexeya labadan wadan ayaa soo billowday 27-kii bishii hore waxaana isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya ee ah inay u wada hoggaansamaan heshiis xabad joojin oo ay saxiixdeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here