Azerbaijan oo sheegtay in Armenia ay 7 qof duqeyn ku dileen

Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu dilay duqeyn xalay uu dalka Armenia la beegsaday caasimaadda labaad ee wadanka Azerbaijan ee Ganja, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca.
Duqeyntan ayaa dhacday wax ka yar 24 saacadood kaddib markii labada dhinac ay ku heshiiyeen xabad joojin ku meel gaar ah kaddib dagaalkii labada dal ee gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.
Iyadoo ay dhexdhexaadineyso dowladda dalka Ruushka labadan dal ayaa waxaa xabad joojinta loo la jeeday mid la isku weydaarsanayo maxaabiista iyo isku celinta kuwa ku dhintay dagaalka.
Labada dhinacba wuxuu midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay shuruudaha xabad joojinta daqiiqado uun markii uu dhaqan galay.
Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa muddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here