Azerbaijan oo sheegtay inay magaalo kala wareegtay Armenia

Dowladda Azerbaijan ayaa shaacisay inay qabsatay magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Nagorno-Karabakh ee Shusha.
Waxaa sidatan sheegay madaxweyne Ilham Aliyev oo xusay in maanta ay tahay maalin wanaagsan oo lagu xusi doono taarikhda Azerbaijan.
Hasa ahaate dowladda uu Azerbaijan dagaalka kala dhexeya ee Armenia ayaa sheegashadan waxba kama jiraan ku tilmaantay.
Labadan dalka ayaa tan iyo 27-kii bishii sagalaad ee sannadkan ku dagaalamayay gobolka Nagorno -Karabakh waxaana isku dhacyada ka dhashay khasaaro nafeed.
Intii ay dagaalladu socdeen waxaa la dilay ugu yaraan 1,000 qof.
Magaalada Shusha ayaa caan ku ah arrimaha dhaqanka waxayna istaraatiiji u tahay labada dhinac.
Masaafo dhan 15 kiilomitir ayay dhanka koonfureed kaga beegan tahay degmada Stepanakert.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here