Baaq loo diray beela ku dagaalamay gobolka Rift Valley

Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa ugu baaqay beelaha Masayda iyo Samburu ee degga halkaasi in ay dhinac isaga dhigaan khilaafaadkooda ayna qaataan nabadda.
Natembeya ayaa sheegay in bulshooyinka ku nool xadka ismaamulada Isiolo iyo Laikipia ay waajib ku tahay inay xil iska saaraan oo ay ka wada shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa weerarada joogtada ah loona yareeyo xiisadda ka taagan aaga xadka ee labada ismaamul.
Xilli uu shalay ka hadlayay kulan nabadeed ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha iyo dadka deegaanka ee labada dhinac ayuu xusay in khilaafyada soo lab laabtay ay xallin karaan odayaasha labada dhinac oo aysan dowladda kaliya ahayn cid xalka laga sugayo.
Waxaa uu su’aal galiyay sababta odayaasha labada beelood aysan u sameyn wax dadaal ah oo lagu xalliyo khilaafaadka dhexdooda ah gaar ahaan weerarada lo’da ee joogtada ah ee sababa dhimashada dad aan waxba galabsan
Mr Natembeya ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay fududeyn doonto kulamada odayaasha labada dhinac balse waxay soo saartay awaamiir adag oo ku aadan in kulamada lagu qabto gudaha tuulooyinka kuyaala aaga ay dhibaatadu ka dhacday..
Kulan nabadeedka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay senetarka Laikipia John Kinyua, xildhibaanka waqooyiga Isiolo Xasan Oda, xildhibaanka waqooyiga Laikipia Sarah Korere, xildhibaanka laga soo doorto bariga Samburu Lekumuntari Lentoijoni, guddomiyihi hore guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC Francis Ole Kaparo, xoghayaha ismaamulka Isiolo Axmed Galgalo iyo is musuuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here