Baaq loo diray dadka tubaakada isticmaala iyadoo caalamka laga xusayo maalinkan

Iyadoo shalay caalamka laga xusay maalinka adduunka ee ka dhanka ah isticmaalka tubaakada ayay wasaaradda caafimaadka ee dalka baaq soo saartay.
Maalinkan ayaa dunida laga xusaa 31-da bisha shanaad ee May oo shalay ku beegnayd.
Hal ku dhigga xuska maalinkan ee sannadkan ayaa ah badbaadinta jiilka soo koraya .
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka dalka u qaabilsan maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in la doonayo in dhalinyarada laga hor istaago isticmaalka tubaakada iyo waxyaabaha la midka ah.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in sannad kasta in ka badan 8 milyan oo qof ay u dhintaan dhibaatooyin ka soo gaaray adeegsiga tubaakada iyo waxyaabaha la midka ah.
Dr. Aman ayaa intaa ku daray in tubaakada oo uu qofku adeegsado ay halis sare u gelinayso xanuunada dhanka neefsashada sidaas awgeedna dadkan ay u nugul yihiin cudurka Covid-19 .
Dastuurka dalka gaar ahaan sharcigii la ansaxiyay sannadkii 2007-dii ayaa dhigaya inay mamnuuc tahay in la xayaysiiyo , la horumariyo ama la maalgeliyo tubaakada.
Xoghayaha ayaa saraakiisha ammaanka xusuusiyay inay sharcigan si buuxda u dhaqan geliyaan si isticmaalka tubaakada looga cirib tiro gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here