Baaq Nabadeed oo laga soo saaray Dagaalo ka socda Gobolka Mudug

Odoyaal dhaqameed Muqdisho ku sugan ayaa baaq nabadeed u diray Maleeshiyaad isku deegaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay deegaanka Hul-dooyaale oo bari kaga began Gobolka Mudug ee Bartamaha dalka Soomaaliya.
Suldaan Cali Horseed iyo Imaam Cumar Macalin Abshir ayaa baaq nabadeed u diray dadka walaalahaa ee ku dagaalamaya deegaanka Hul-Dooyaale, iyagoo dalbaday in si sharuud la’aan lagu xoojiyo dagaalkaasi.
Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa isna ugu baaqay dhinacyada dagaaladamay inay xabadda joojiyaan nabadda iyo wadajirkana ay ilaaliyaan dadka wada dhashay ee halkaasi ku dagaalamaya, isagoo intaa ku daray inay waxkasta oo ay kala tabanayaan ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale dhawaan sheegay inay u diri doonaan ciidamo si loo kala dhexgalo beelaha isku deegaanka ah eek u dagaallamaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa AL-shabaab wuxuu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan Dagaalada Ka socda deegaanada gobolada dhexe ka tirsan wuxuuna sheegay inay Shabaabka dagaaladaa ku carqaladaynayaan howlagalada ayaga ka dhanka ah ee ka socda Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here