Baaq nabadeed oo laga soo saaray Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Galgaduud.

Waxgaradka gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo colaad gobolkaasi ku dhexmartay labo Maleeshiyo Beeleed oo isku deegaan ah.
Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa axaa kulan ku yeeshay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaannada Galmudug,waxayna si kulul u canbaareeyeen colaad Beeleed kasoo cusboonaatay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Odayaasha oo kasoo kala jeeda Dhinacyadda ay dirirtu ku dhexmartay deegaano hoostaga degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku baaqay in dagaal beeleedyadaas la joojiyo, wixii tabasho ahna wada-xaajood lagu dhameeyo.
Qaar ka mid ah Odayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay bilaabayaan dadaalo nabadeed oo ku aadan sidii xal buuxa looga gaari lahaa colaada kusoo laab laabatay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Waxay dhinacyada dagaalamaya ugu baaqeen inay hogaamsamaan lana shaqeeyaan Ciidaamada dowlada Fedraalka ee ku baxay Maleeshiyaadkaas dagaalamaya.

Shalay ayaa waxaa deegaan duleedka ka ah degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud uu dagaal ku dhexmaray laba maleeshiyo Beelood oo horay dilal aanooyin qabiil ku salaysan uu u dhexmaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here