Baaris lagu bilaabay Cidii xaday Imtixaankii dowladda

Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ay bilaabeen baaritaano ku aadan Cidii ka dambeysay in la xado Imtixaanka dowladda.
Wasiirka waxaa uu sheegay in shaqsiyaad lagu tuhmaayo hadda ay ku socoto Baaris, islamarkaana markii lasoo gabagabeeyo ay warbaahinta la wadaagi doonaan waxyaabaha kasoo baxa.
Waxaa uu sheegay in Hay’ddaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayaan sidii loo heli lahaa Cidii dhibaatada geysatay oo ka mid ah dadkii ku howlanaa Imtixaanka dowladda iyo shaqaallaha Wasaaradda.
Goodax ilaa iyo hadda ma sheegin Cid si rasmi ah gacanta loogu soo dhigay oo loo heysto in ay ka dambeysay Fadeexadda soo gaartay Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa si cad uga horyimid Go’aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre u joojiyey imtixaankii Dugsiyada Sare ee dalka.
Isaga oo Magalada Jowhar kula hadlayay Arday ka banaanbaxeysay Go’aankaas ayuu sheegay in uu maqlay in imtixaanka la musuq maasuqay,balse uu moodayay in dowladda lagu dacaayadeynayay,hayeeshee uu qirtay Wasiirka Wasaaradda waxbarshada Soomaaliya.

Sido kale Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale ku celiyay inuu go’aankiisa dib uga laaban doonin .
Waxaa uuna intaas ku daray in dadkii maanta Wadooyinka ku banaanbaxayay in aysan aheyn Arday.

Maanta ayaa Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka ayaa waxa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday Go’aankii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta uu ku joojiyey Imtixaankii Dugsiyada sare ee socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here