Baaritaan lagu sameynaya qaraxyo ka dhacay Filibiin

Taliyaha booliska ee dalka Filibiin Generaal Archie Francisco Gamboa ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay guda galeen baaritaano ku saabsan qaraxyo ka dhacay dhanka Koonfureed ee wadankaas.
Waxaa uu sheegay inay Khasab tahay in lala xisaabtamo cid kasta oo falalkaasi ka gaysatay magaalada Jolo.
Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay qaraxyada ku dhinteen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mid ka mid ah qaraxyada ay haweeney isa soo miidaamisay fulisay.
Madaxa hay’adda laanqeerta cas ee Filibiin sido kalena ah senatar Richard Gordon ayaa sheegaya in qarax koowaad uu ka dhacay meel u dhow xarun militari .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in falkan loo adeegsaday mooto lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.
Sido kale waxaa jiro warar sheegaya in kaddib markii booliska ay isku dayeen inay goobta xiraan uu dhacay qarax labaad oo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ciidamada dowladda Filibiin.
Ugu yaraan 24 sarkaal ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhaawacmeen.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaas.
Horraantii sannadkii 2019-kii ayay ahayd markii labo qarax oo ka dhacay goob aan aad uga fogeyn halka dhacdooyinkan laga soo tabiyay ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here