Baaritaan wadareed ka dhan ah COVID19 oo ka socdo deegaanada Nairobi

Waxaa maalinkii labaad 17-ka deegaan baarlamaneed ee caasimadda dalka ee Nairobi ka socdo baaritaan lagula tacaalaya cudurka COVID19.
Maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee (NMS) ayaa shalay baaritaanadan billaabay.
Sarkaalka ugu sarreeya waaxda caafimaadka ee maamulka NMS Dr. Ouma Oluga ayaa sheegay in ay qorsheyeen ilaa galinka dambe ee maanta in la baaro qiyaastii 6,000 oo qof.
Dr. Oluga ayaa shacabka ku nool Nairobi ka codsaday inay u soo baxaan baaritaanada si ay u xaqiijiyaan inuusan weli haleelin fayraska corona.
Dr. Oluga ayaa intaa ku daray in caasimadda dalka laga diiwaangeliyay boqolkiiba 58 ee xaaladaha caabuqa ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha dalka.
Waa markii labaad tan iyo bishii shanaad ee sannadkan oo maamulka NMS uu sameynaya baaritaano wadareed ka dhanka ah corona.
Dadweynaha ku nool deegaanka Kamukunji oo ay xaafadda islii ka tirsan tahay ayaa cudurka maanta looga baaraya xarunta caafimaad ee Eastleigh Health Centre .
Gudaha Kenya waxaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay kiisaska corona oo gaaraya 44,196 kaddib markii shalay la shaaciyay 616 xaaladood oo cusub.
Sidoo kale waxaa cudurka ka bogsaday 31,752 qof halka dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 ee dalka ay tahay 825.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here