Baaritaano ka dhan ah COVID19 oo laga sameynaya garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee Ingiriiska

Rakaabka ka safraya gagida diyaaradaha ee Ingiriiska ee Heathrow ayaa hal saac ka hor inta aysan ambabixin laga baaraya cudurka COVID19.
Wargeyska, The Times newspaper ayaa ku warramaya in tallaabadan ay qayb ka tahay dib u furka duulimaadyada caalamiga.
Wasaaradda caafimaadka ee Ingiriiska ayaa sheegtay in tallaabadan ay dadka safraya fursad u siinaysa inay helaan shahaado ay ku soo bandhigi karaan halka ay u jeedaan si aan loo gelin karantiil muddo qaadanaya.
Guud ahaan caalamka waxaa ilaa iyo hadda uu fayraska corona haleelay in ka badan 40 milyan oo qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here