Baaritaano ka dhan ahaa hoggaamiyaha mucaaradka Cambodia oo la afjaray

Wararka naga soo gaaraya dalka Cambodia ayaa sheegay in mid ka mid ah garsoorayaasha wadankaasi uu soo gabagabeeyay baaritaano la xariira khiyaano qaran oo ka dhan ahaa madaxa mucaaradka Kem Sokha .
Arrintan ayaa waxaa warbaahinta la wadaagtay gabadh uu siyaasigan dhalay.
Waxay tani micnaheedu tahay in Kem Sokha uunan wajihi doonin dacwado lagu waday in lagu soo oogo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xabsi guri uu ku jiray laga siidaayay Kem Sokha kaddib cadaadis midowga Yurub uu saaray dowladda Cambodia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here