Baaritaano ku aadan sida Maxaabiista hubka loogu gacan galiyay oo billowday

Sii hayaha xilka n wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharciga marsiin doonto Cidii fududeysay in hub uu gacanta u galo Maxabiista, islamarkaana hadda ay socdaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.
Waxaa uu kaloo uu tilmaamay in baaritaanada socda sida ugu dhaqsiyaha badan la soo gabagabeyn doono ayna rajo ka qabaan in cidii falkaasi abaabushay gacanta lagu dhigo.
Waxaa uu tilmaamay in Mas’uuliyad dheeraad ah la iska saari doono ilaalinta amniga maxaabiista .
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii shalay gelinkii dambe hub ay gacanta ku dhigeen maxaabiista xukuman ee ku jirta xabsiga dhexe ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here