Baaritaano lagu hayo afar eedeysanayaal oo ka tirsan ciidamada waaxda duurjoogta

Waxaa baaritaano lagu sameynayaa afar sarkaal oo ka mid ah ciidamada waaxda duurjoogta dalka ee KWS.
Arrintan ayaa timid kaddib markii saraakiishan oo lagu eedeyay inay dhac gaysteen la soo qabtay.
Waxay ka shaqeynayeen xarunta KWS ay ku leedahay deegaanka hoose ee Baawa ee ismaamulka Samburu.
Shalay ayaa la soo xiray kaddib dhac awood loo adeegsaday oo la soo tabiyay 26-kii bishan Diseembar.
Ciidamada ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay James Lamata ,Wardens Brian Kiplangat, Dad Saciid iyo Peter Kirui.
Saraakiishan ayaa hadda su’aalo la weydiinaya si hadii wax caddeymo ah lagu helo maxkamadda loo soo taago.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaasha ay koox dad ah ka dhaceen 9,500 oo shilin iyo waxyaabo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here