Baaritaano lagu sameeynayo howlgallo booliska ay ka fuliyeen jaamacadda JKUAT

Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ayaa shaaca ka qaadday in la guda galay baaritaano ku aaddan howlgallo saraakiisha ammaanka ay shalay ka sameeyeen jaamacadda (JKUAT) .
Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee IPOA ayaa walaac ka muujiyay awood xad dhaaf ah oo ay sarakiisha adeegsadeen sidii ay la tacaalayeen dibadbaxyo halkaasi ka dhacay.
Ardayda dhigata jaamacadda JKUAT ayaa isugu soo baxay mudaaharaad ay uga soo horjeedaan dhibaatooyin ay sheegeen in lagu hayo.
Maamulkan IPOA ayaa bayaan uu soo saaray si kulul ugu cambaareyay qaabkii booliska ay dibadbaxayaasha ula dhaqmeen.
Arrintan ayaa timid kaddib qaar ka mid ah ciidamada ammaanka laga dhex arkay muuqaal iyagoo arday si xun u garaacaya.
Sido kale IPOA ayaa cid kasta oo dhacdadaasi goobjoog u ahayd ka codsatay inay farrin qorto.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo iskuduwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa dhankiisa sheegay in baaritaanada socdo marka la soo gabagabeeyo kaddib tallaabo sharciyeed laga qaadayo askarigii lagu caddeeyo inuu ku kacay fal aan waafaqsaneyn habdhaqanka wanaagsan ee laga doonayo iyo shuruucda dastuuriga ah.
Dr. Matiangi ayaa intaasi ku daray inuu daawaday waxyaabihii shalay ka dhacay jaamacadda bixisa culuunta beeraha iyo teknolojiyadda ee JKUAT oo uu walaac ka muujinayo .
Waxaa uu xusay in arrintan uu kala hadlay abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai sidaasi awgeedna ay ku heshiiyeen in tallaano sharciyeed la qaado muddo 24 saacadood gudahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here